AKHRISO: War Saxaafadeed ka soo baxay M/Gobolka Banaadir

Muqdisho-RisaalaFM- Sida la wada ogsoonyahay waxa uu dalka Soomaaliya ku jiraa marxalad siyaasadeed ee kala guur ah taasoo  ku saabasan doorashooyinka 2016 gaar ahaan dhismaha labada aqal ee J.F.S . Hanaanka looga gudbayo marxaladda siyaasadeed waxaa guddoominayay  Madal Qaran ee loogu magac daray Madasha Hogaamiyaasha Qaran (MHQ) ee dalka.

Taariikhda marka ay aheyd 24/12/16, waxa ay MHQ shir ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saareen warmurtiyeed ay uga hadleen arrimaha siyaasadda kala guurka ah ee Dalka Soomaaliya. Qodobka 4 aad ee Warmurtiyeedkooda ayeey ku sheegeen in ay ku  kordhiyeen Sideed iyo Tobon Kursi (18) dhismaha Aqalka sare kaasoo horay ay MHQ u go’aamisay in uu ahaado 54 xubnood sida uu qabo Dastuurka Qabyada ah ee J.F.S. balse ayadoo la tixgalinaayo cabashada Maamul Goboleedyada dalka iyo Beelo soomaaliyeed in ay sameeyeen kordhin kuraasta Aqalka sare ah taasoo tiro ahaan noqonayso Todobatan iyo Laba (72) Kursi kuna timid in tiradii hore loogu kordhiyay Doowlad Goboleed walba min Sedx Xubnood (3).

Moowqifka Maamlka G/Banaadir ee Dhismaha Aqalka Sare:

Maamulka G/Banaadir isagoo tixgalinaya marxaladda adag ee uu dalka maraayo iyo ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah dalka looga gudbiyo xaaladda uu ku juro, Waxa uu Maamulku cadeeynayaa cod dheerna ku sheegayaa moowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan dhismaha aqalka sare ee dalka sida hoos ku xusan;

  1. Waxa uu Mamaulku soo dhaweeynaya kana qaybqaadanayaa daadaal walba ee lagu doonayo in dalka Soomaaliya loogu yagleelayo doowladnimo iyo qaranimadii umadda soomaaliyeed.
  1. Waxa uu Maamulka G/Banaadir aad uga xunyahya in MHQ ay horay u hareer mareen ayna jabiyeen fulinta Qodobka 72 aad ee Dastuurka Qabyada ah ee J.F.S kaasoo sheegayay in tirada kuraasta aqalka sare ay noqonayso 54 xubnood loona qaybinaayo dhammaan 18 ka gobol ee dalka ee jiray ka hor 1991 dii. Isla qodobkaasi farqadiisa b) oo tilmaamaysa in Doowlad gbooleedyada ay si isla eg loogu qabin doono kuraasta aqalka sare iyadana waa lajabiyay nasiib darro.
  1. Waxa uu Maamulku G/Banaadir dhoowr mar horay u sameeyay isku dayo siyasadeed kuwaasoo looga gol lahaay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee Gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare waxa uuna maamulku si cad horay uga dalbaday MHQ in ay tixgaliyaan Gobolka Banaadir balse aysan wax natiijo ah ka soo bixin una muuqatay in MHQ ay dhagaha ka furaysatay codsiyadaasi.

4.in uu ka soo horjeedo marnabana uusan soo dhaweeynaynin go’aanada ay soo saartay MHQ ee ku saabsan dhismaha Aqalka Sare ee Dalka. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu qaadi doonaa tilaab walba ee nabadeed iyo siyaasadeed ee lagu xaqiijin karo in shacabka ku nool G/Banaadir ay helaan Matalaadooda siyaasadeed oo ay xaqa dastuuriga u leeyihiin.

Waxaan ugu baaqaynaa si gaar ah  Madasha Hogaamiyaasa Qaran mar kale in ay si deg-deg ah ay dib u eegis ugu sameeyaan go’aankooda la xiriira Dhismaha aqalka sare xaqiijiyaana qoondada kuraasta aqalka sare uu ku yeelanayo G/Banaadir si ay natiijada dhismaha aqalka sare u noqoto mid loo dhanyahay xalaalna ah. Waxa uu dhanka kale maamulka G/Banaadir ku boorinayaa in xilhibaanada Cusub ee loo soo doortay labada Aqal, qaybaha bulshada iyo Beesha Caalamka ay qayb ka noqdaan kuna garab istaagaan Maamulka Gobolka xaqiijinta iyo helista matalaada kuraasta siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ku leeyahay aqalka sare ee dalka Soomaaliya.

DHAMMAAD