Sanadkani sii dhamaanaya ee 2018 waxa uu ahaa sanad kale oo murugo leh marka laga eegayo dilalka loo geystay Suxufiyiinta, inkastoo marwaliba walaac xoogan laga muujiyo hadane waxaa muuqata in sanad waliba ay sii kordhayso tacadiyada iyo dilalka qorsheysan ee wariyayaasha loo geysto.
Waxaa sii kordhayay sanad waliba Saddexdii sano ee lasoo dhaafay dilalka loo geysto Wariyayaasha Adduunka, ayey sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda wariyayaasha caalamka.
Dilkii la dilay wariyihii u dhashay Sacuudiga ee u shaqeenayay wargeyska Washitonpost ee kasoo baxa dalka Mareykanka Jamaal Kashoggi ayaa adduunka oo dhan qabsaday oo qof waliba oo damiir leh ka xumadaay, balse kaliya ma uusan aheyn wariyihii kaliya ee sanadkaan la dilay.
Waxa uu kamid ahaa 53 suxufi oo guud ahaan sanadkaan adduunka oo idil lagu dilay, balse waxa uu isagu ahaa wariyihii kaliya ee lagu dhex dillo xarun dowladeed, waana sababata uu u qabsaday warka geeridiisa adduunka oo dhan.
Tiradda ugu badan ee suxufiyiinta ee la dilay ayaa lagu dilay dalka Afghanistan sida ay sheegtay CPJ.
Qolyaha u ololeeya xuriyada hadalka ayaa bayaan ay soo saareyn ku sheegeen in sanadkaan ay sii siyaadeen tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, waxa ayna si gaar ah usoo hadal qaadeyn in madaxda xitaa ay ku xad gudbaan xuriyada hadalka waxa ayna tusaale usoo qaateyn Madaxweyne Trumpka Mareykanka.
“Trump waxa uu saxiixay in wadamada uu la gallo heshiisyada ganacsi ay xur u yihiin in ay dilaan wariyayaasha waana wax laga xumaado” ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay CPJ.
W/D: Ayuub Maxamed Axmed (Wardheere).



