AKHRISO: Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo kordhay

Sida Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay wararaka ku heleyso waxaa sii kordhay tirada dadkii ku naf waayay qaraxyadii shalay shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa tibaaxaya in  Khasaaraha ka dhashay qaraxyadan uu sii siyaaday ayna dhimashada gaareyso illaa 35 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Waxaa xusid mudan Meydadka qaar ee yaalla qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho in aan weli la garan heybtooda maadama dhaawacyo culus oo sababay in jirdooda uu kala go ay soo gaareyn’.

Ka sokow sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan masuuliyiin dowladeed inay ku dhaawacmeen kaliya Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi, iyadoo inta kale ee soo hartay ay yihiin dad rayid ah.