AKHRISO: Shuruuddaha laga rabo Musharaxiinta xilka Madaxtinimadda Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee 21-kii Oktoobar ay u codeeyeen Baarlamaanka Maamulkaas ayaa maanta soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada.

Waxa ay sheegeen in qof waliba oo hami ugu jiro qabashada Xilka Madaxweynaha in ay ogolaadaan u hogaansanaanta Shuruudaha ay soo bandhigeen.

Qofka Musharaxa ah waxaa la dul dhigay Lacag dhan (Labaatan Kun oo Doolar) $20,000, halka Haweenka laga doonayo Bixinta Toban kun oo Doolar ($10,000), da’da Musharaxane aan ka yaraan 40-sano.

13-ka illaa 16-ka Guddiga iyo kormeerayaasha Doorashada ayaa ka kulmi doono Doorashada oo dhici doonto 17-ka Bishaan November sida ku xusan Warqadda Habraaca guddiga.