Wasiirka Wasaaaradda Batroolka xukuumadda Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa shaqadda looga joojiyay Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaraddaasi Jamaal Qaasim Mursal, ka dib markii lagu eedeeyay Wada shaqeyn La’aan.
Warqaddaan oo soo baxday labo maalmood ka hor ayaa Xoghayaha Joogtada ee shaqada laga joojiyay loogu soo jeediyay eedeymo kala duwan oo ka mid ah ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda, cabashada shaqaalaha, wada shaqeyn la’aan iyo inuu bixinta siraha muhiimka ee wasaaradda oo loo gudbiyo dhinacyo ka baxsan Wasaaradda.




