AKHRISO: Shabaab oo weerar khasaaro geystay ku qaaday deegaan hoostaga Degmada Mahadaay

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa galabta orax dhicii weerar gaadmo ah ku qaaday Deegaanka Miir-takhwa oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyootay saddax ruux oo shacab ahaa iyo hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dolwadda Federaalka Soomaaliya ee fariisimaha ku leh deegaankaasi.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka degaanka weerarka lagu qaaday dableyda weerarka kusoo qaaday deegaankaasi ayaa watay gaari nuuciisu ahaa Homey waxa ayna isaga baxsadeen halkaasi ka dib markii ay rasaas badan ku fureen dadka geeriyooday oo ku sugnaa Maqaayad laga shaaheeyo oo ku taalla bartamaha deegaankaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in dagaalyahanada shabaab ee weerarka soo qaaday in ay hori usii qaateyn labo qori oo mid uu lahaa ruux shacab ah iyo mid kale oo uu lahaa askariga geeriyooay.