DHAGEYSO: Maxay tahay sababta ay isku casileen gudiga doorashada Madaxweynaha KGS

Afayeenka gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sababta ay isku casileen gudoonka iyo xubnaha gudigaasi.

Waxa uu sheegay in tirada xubnaha gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ee iscasilaaya ay sii kordheen oo ay gaareen ku dhawaad 20 xubnood, tirada guud ee gudigaasi ka koobanyahay ayuu ku sheegay ilaa 27 xubnood.

Sababta ay isku casileen ayuu inoogu sheegay in ay tahay in badi xildhibaanada maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dooran lahaa madaxweynaha maamulkaasi in ay joogaan Magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay ula muuqatay in dooorashada aysan si hufan u dhici karin sidaasina ay isku casileen sida uu inoo sheegay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu Afayeenka Gudiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya uu kaga hadlaayo sababta ay isku casileen waxa uuna u waramay wariyaha Idaacadda Risaala Maxamed Cabdi Cali.