War goor dhaw Idaacadda Risaala kasoo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in xubno ka tirsanaa gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ay iscasileen.
Xubnaha iscasilay oo tiro ahaan lagu sheegay in ay gaarayeen ilaa iyo 11 xubnood oo uu ku jiro gudoomiye ku xigeenkii gudigaasi waxa ayna iscasilaada xubnahaani ay kusoo aadaysaa daqiiqado uun ka dib markii uu iscasilay Gudoomiyihii gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xildhibaan Carfo.
Ilaa iyo haatan si rasmi ah uma shaacin xubnaha iska casilay gudigaasi sababta ay isku casileen waxaase soo baxaaya warar sheegaya in gudigaasi ay ashtako ka yihiin faragelin la sheegay in dowladdda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso howlaha gudigaasi.
Iscasilaad wadareedkaani gudoonka iyo xubnaha gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa kusoo aadayso xili maalmo oo kaliya ay inaga xigto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.



