AKHRISO: Qeybta 3-aad Dhacdooyinkii sanadka 2016-ka

Muqdisho-RisaalaFM- Dhamaan saaxiibada ku xiran Website-ka Radiorisaala.com ama Risaala.net waxaan halkan idin kugu  soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Soomaaliya ka dhacay Bilaha September, October, November iyo December ee sanadkii 2016-ka.

 

SEPTEMBER

Khamiis, September 01, 2016 — Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska xubnaha argagixisada ah ee sida gaarka ah loo beegsanayo ku dartay Sheekh C/qaadir Muumin oo dhawaan ku biiray kooxda Daacish, kana dagaallanta Soomaaliya.

Sabti, September 03, 2016— Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay bixisay qarashkii ay ugu Talo-galeen Doorashooyinka lagu wado in ay Dalka Ka dhacaan Sannadkan lagu jiro daba-yaaqadiisa. .

Arbaco, September 07, 2016— Kooxo Hubeysan, ayaa Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ku dilay laba nabaddoon oo lagu kala magacaabi jiray, Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed Barre Diini, waxayna sidoo kalena dableydani dhaawaceen sagaal qof oo ay ku jiraan saddex dumar ah iyo laba naddoon oo kale.

Sabti, Sitember 10, 2016 –Sanduuqa QM u qaabilsan arimaha degdeg ah ayaa bixiyay 7 malyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu xoojiyo adeegyada badbaadada ee barakaceyaasha kunool Muqdisho .

Talaado, September 13, 2016 — Madaxweynayaasha Dalalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo R/wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka Qayb-galay Shir-madaxeedka IGAD oo markii ugu horreysay lagu qabtay Soomaaliya.

Sabti, September 17, 2016  — Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Gobolka Bay ayaa xukun ku ridday Afar ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka ISIS ama Daacish.

Axad, September 18, 2016  — Taliyihii Guutada Saddexaad ee Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ilaaladiisii qaarkood ayaa  lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday illinka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sabti, September 24, 2016 — Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ayaa dil toogasho ku xukuntay 50 qof Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119-ruux oo horay Dowladda India ku sheegtay inay ahaayeen burcad-badeed.

Talaado, September 27, 2016  — Kooxo hubeysan, ayaa ku Dilay Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, wariye C/Casiis Maxamed Cali [Xaaji] oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

 

OCTOBER

Sabti, OctobEr 01, 2016 — Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku dhintay, Lix ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo  ka dhacay agagaarka xabsi ay hay’adda nabad-sugiddu ku leedahay Muqdisho oo lagu magacaabo Godka Jilicow, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab.

Talaado, October 04, 2016 — Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, Afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay Agagaarka dhismaha Sey Biyaano oo ku dhaw Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdsho.

Arbaco, October 05, 2016 –Kulan ay ku  yeesheen  Jowhar ergada shirka mamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha waxay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 magac  iyo noocyo calamo kala duwan ah oo gaarayay ilaa boqolaal .

Axad, October 09, 2016 –Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha-dhexe lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan, kaddib munaasabad lagu qabtay magaaladaasi. –

Khamiis, October 13, 2016 — Xildhibaannada Baarlamaanka maamul-goboleedka Hir-shabeelle, ayaa Jowhar ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas, kaasoo loo doortay, Xildhibaan Sheekh Cismaan Barre.

Talaado, October 18, 2016 — Ugu yaraan 20-qof oo u badan ciidankii Dagaalku u dhexeeyay ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka bandanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, weerarro ismiidaamin iyo toos isugu jiray oo  Al-shabaab ay ku Qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Isniin, October 24, 2016 — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo  dib uga qarxay Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Arbaco, October 26, 2016 — Xoogag ka tirsan Ururka DAACISH, ayaa  la wareegtay gacan ku haynta degaanka Qandala ee gobalka Bari, Taasoo Qiyaastii 75-KM u jirta Magaalada Bassaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Axad, October, 30, 2016 —Maamulka gobolleedka Galmudug ayaa warbaahinta ugu soo bandhigtay dagmada Cadaado gabar ajnabi ah ciidamo ka tirsan maamulka ku soo furteen howlgal ay  ka sameeyeen degaanka Camaara ee gobolka Mudug.

 

NOVEMBER

Khamiis, November 03, 2016 — Ugu yaraan lix qof, ayaa ku dhintay tiro toban qof ka badana way ku dhaawacmeen Dagaal culus oo maleeshiyo beeleed  ku dhexmaray  degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud.

Sabti, November 05, 2016 — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray, qarax gaari miineysan loo Adeegsaday oo lagu weeraray Ciidammo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Somalia oo ku Sugnaa Agagaarka Dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Arbaco, November 09, 2016 –Dawlada Soomaaliya ayaa safaaradeedii Yemen ka rartay caasimadii Yemen ee Sanca una rartay Cadan.

Sabti, November 12, 2016 — Maamullada Galmudug iyo Puntland oo Wada-hadal ku yeeshay  Magaalada Gaalkacyo ayaa ku Heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan-galiyo Heshiiskii labada Madaxweyne ay 1-dii bishii November ee Sannadkii 2016-ka ku kala saxiixdeen Magaalada Abu Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Talaado, November 15, 2016  — Ugu yaraan 15 Ruux ayaa ku dhintay, Tiro kale oo ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Somalia iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab-

Talaado, Nofember 17, 2016 –Shirkadda diyaaradaha ee Djibouti ee Air Djibouti ayaa duulimaadkii ugu horeeyay u dirtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Axad, November 20, 2016 — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somalia ka tirsan ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qarax miino oo  ka dhacay agagaarka bacadlaha Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Arbaco, November 23, 2016 — ALLAHA u naxariistee waxaa  magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo Muddooyinkan dambe bukaan jiif ahaa.

Sabti, November 26, 2016 — Ugu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo  ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

 

DECEMBER

Sabti, December, 03, 2016 — Rag hubeysan ayaa  toogasho ku dilay labo wiil oo Soomaali ah xaafadda lagu magacaabo Rinkeby ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Axad, December 04, 2016 -Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen magaalo xeebeedka Qandala jabhada Daacish ee bishii hore halkaa qabsatay.

Talaado, December, 06, 2016 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorashada xubinnimada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ku matallaya baarlamaanka federaalka ee cusub.

Axad, December 11, 2016 — Ugu yaraan 15-ruux, ayaa ku dhintay intaa ka badana way ku dhaawacmeen Qarax ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Berriga oo ku taalla agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho.

Khamiis, December, 15, 2016  –  Mid ka mid ah gadiidka ciidammada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dul maray haweeney  da’ah waddada aada dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee is-goyska KM4.

Jimco, December, 16, 2016 _Taliye ku xigeenkii sadexaad ee ciidamada Puntland Jaamac Saxardiid oo lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Bosaaso ka dib qaliin lagu sameeyay .

Sabti, December, 17, 2016  – Laba gabdhood oo Somali Canadian ah ayaa  laga helay gurigooda ,iyaga oo mayd ah sida ay shaacisay laanta danbi baarista booliska ee Canada , waana kiisaskii 23-aad iyo 24-aad oo oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Ottowa.

Axad, December 18,2016 – Allah ha u naxariistee waxa  magaaladda Hargeysa ku geeriyooday majaajilistihii weynaa  ee ku caanka baxay qosolka iyo madadaaladda Marxuum Xuseen Xirsi Caddib oo caan ku ahaa Boon Xirsi.

Talaado,  December,  20, 2016  – Rag hubeysan ayaaa agaasimihii madaxtooyada Boosaaso ee Puntlnad Aadan Gaas Huruuse ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bar.

Sabti December 31 2016– Taliye ku xigeenkii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gen. Qoorgaab ayaa waxaa Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda uu ku dhex dilay Madaxtooyada Soomaaliya.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubad