Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay cabashada ka soo yeeraysa Shacabka ee ku aadan Lacagta Shiling-ka Soomaaliga oo ay diideen ganacsatada magaalooyinka Puntland qaarkood.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii diida Shilinka Soomaaliga.
Warka kasoo baxay Wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa ka koobnaa qodobaddaan.
- Lacagta Shiling Soomaaligu waa Astaan Qaran, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana ciddii ka hortimaadana waa Qaran dumis.
2. Dawladda Puntland lacagta Sh, SO waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaarka ciidamada & Shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.
3- Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh, SO qaataan, iyaga oo aan kala gurin, Sarif kala duwanna looma samayn karro, arrintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (RIBO).
4- Hay’adda dawladda Puntland ee fulinta shaqada, qeybaha ku leh, waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan



