AKHRISO : Puntland oo qoondeysay kuraasta loogu daray “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntand C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ee Magaalada Muqdisho uga qayb gelayey shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxa ay guul weyn ka gaareen xal u helidda Kuraastii muranku ku jirey ee Gobolada Woqooyi, kuwaas oo ay Puntland qayb ku lahayd.

Madaxweynaha waxaa kala qayb galay shirarkii kala duwanaa ee ay Madasha Qaranku ku yeelatay Madaalada Mudisho Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey iyo Mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markasta ku hawlan sidii ay u ilaalin lahayeen xaqqa iyo xuquuda ay leeyihiin shacabka Puntland, isla markaana waxa ay markasta go’aan koodu ahaa sidii ay Madasha Wadatashiga Qaran si hufan ugu qancin lahaayeen  in  maamulidda xubnahaasi ay xaq u leedahay Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markuu la tashaday mas’uuliyiinta Puntland waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan  Puntland.

Afhayeenka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel ayaa maanta warbaahinta u aqriyey warmurtiyeedkaasi ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland isagoona intaasi raaciyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magcaabi doono xubnahaasi.

 

img_9773download-3

img_9769-1