AKHRISO: Odayaasha Muqdisho oo difaacay Duqa Muqdisho

Shir 7 saacadood qaatay oo xalay ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Gobolka Banaadir ayaa lagga soo saaray bayaan madaxda sare looggu sheegaayo inay waajib tahay inuu qabsoomo shirka looga tashanaayo aayaha gobolka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kal hore ku dhaawaqay in 7-dii bishan la qabto shirweyne looga arinsanaayo matalaadda caasimadda iyo nabad galyadda laakiin waxaa ka hor timid oo diiday dowladda Soomaaliya sidda ay sheegeen waxgaradka.

Odaayashu waxey bayaankoodda uga hadleen warqadii ka hadleysay dhulka danta guud ee kasoo baxday Villa Somalia, shirka dhowaan ka dhici doona Muqdisho iyo dhismaha Gudi odayaal iyo waxgarad isugu jira oo ka taliya masiirka iyo mustaqbalka gobolka Banaadir.