France ayaa guuldaro naadir ah u gacan galisay xulka difaacanaya koobka Nations League ee Portugal xalay, iyagoo 1-0 kaga badiyay Lisbon.
N’Golo Kante ayaa dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta goolka guusha si ay u gaaraan xulkiisa afarta koox ee ugu dambeysa tartankaan.
Kante ayaa dhaliyay kaliya goolkiisii labaad ee France daqiiqadii 54-aad taasoo ka dhigeysa inay hogaanka u hayaan guruubka isla markaana aan wali laga badin.
France waxay aheyd inay hogaanka qabtaan qeybta hore laakiin Anthony Martial ayaa qasaariyay seddex fursadood, labo ka mid ah waxaa badbaadiyay goolhaye Rui Patricio halka midna uu ku garaacay birta goolka.
Jose Fonte ayaa birta garaacay iyadoo Portugal ay cadaadis saartay France si ay kaga helaan goolka barbaraha qeybtii labaad.
Dhinaca kale, guud ahaan Yurub Jarmalka wuxuu 3-1 ku garaacay Ukraine halka Spain ay barbaro 1-1 la gashay Switzerland.
Didier Deschamps xulkiisa ayaa noqday xulkii ugu horeyay ee u gudubta ciyaraaha kama dambeysta ah, taasoo Uefa ay soo gabagabeyn dpnta bishii Oktoobar ee sanadka soo socda.
Portugal ayaa ku guuleysatay markii ugu horreysay ee tartankaan la qabto sanadkii 2019 laakiin hadda ma awoodi doonaan inay difaacdaan.
Deschamps ayaa labo isbadal ku sameeyay shaxdii goolal la’aanta ah la gashay Portugal kulankii hore ee ka dhacay Stade de France bishii hore.
Kingsley Coman ayaa booska weerarka ka badalay Kylian Mbappe oo dhaawac ah halka Anthony Martial laga doorbiday Olivier Giroud.
Gooldhaliyaha labaad ee ugu goolasha badan France. Paul Pogba ayaa ahaa xiddigii kaliya ee kusoo bilaawday kulankii saaxiibtinimo ee ay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Finland bartamihii isbuucaan.
Jose Fonte ayaa badalay Pepe oo khibrad weyn lahaa, kasoo qabay dhaawac muruqa ah, daafaca Portugal oo aan wax gool ah laga dhalin shan kulan ayaana lasoo afjaray.
Goolkii kaliya ee uu Martial u dhaliyay France wuxuu ahaa afar sano ka hor, laakiin weeraryahanka Manchester United wuxuu hanjabaad joogto ah ku gayay xalay xulka Portugal oo aan laga badinin 21 kulan oo ay ku ciyaareen gurigooda.