Magacyada: Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maalinta berri waxaa ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Ilaa Sideed Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxa ay khudbado waxqabadkooda uga hadlayaan ka hor jeediyeen Baarlamaanka Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta.

1- Daahir Cabdulle Cawaale

2- C/raxmaan Xuseen Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)

4- Maxamed Caruushe Diirow

5- C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud

6- Cabdi Faarax laqanyo

7- Maxamed Cabdi Waare

8- C/kariin Cali Nuur.