Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maalimihii u dambeeyay waxaa ka soconayay shir ay isugu tageen wariyeyaal badan oo ka kala yimid goboladda dalka kaas oo lagu sheegay in lagu dooranayo Hogaanka ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta waxaa lagu waday in shirkaasi lagu doorto hogaan balse dib udhac ayaa ku yimid.
Afhayeenka Shirka doorashada Hogaanka ururkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhici taanka shirkaas uu yimid ka dib markii arimo farsamo oo la xalinayo uu soo wajahay.
Waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay si rasmi ah u dhici doonto doorashada Gudoomiyaha iyo xubnaha sare ee Ururka.
Waxaa la soo saaray Liiska Musharixiinta NUSOJ
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA
16-05-2016
| No. | Magaca Musharaxa | Xilka uu Rabo |
| 01 | Maxamed Ibraahim Macalimu | Xoghayaha guud |
| 02 | Cali Cabdullahi Cabdi | Xoghayaha guud |
Liiska Musharixiinta Gudoomiyaasha
| No. | Magaca Musharraxa | Xilka uu Rabo |
| 01 | Aadan Maxamed Salaad | Gudoomiye |
| 02 | Suleymaan Ismaaciil Bashiir | Gudoomiye |
| 03 | Mahad Xasan Diini | Gudoomiye |
| 04 | Maahir Jaamac Aadan | Gudoomiye |
Liiska Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenada 1aad:
| No. | Magaca Musharraxa | Xilka uu Rabo |
| 01 | Muxyadiin Xasan Maxamed | Gud. Kux. 1aad |
| 02 | C/risaaq Maxamed C/laahi | Gud. Kux. 1aad |
| 03 | Yaasmiin Mayow Maxamed | Gud. Kux. 1aad |
Liiska Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenada 2aad:
| No. | Magaca Musharraxa | Xilka uu Rabo |
| 01 | C/fitaax Xasan Faarax | Gud. Kux. 2aad |
| 02 | Xabiibo Axmed Jimcaale | Gud. Kux. 2aad |
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka NUSOJ
Axmed Muuse Cali (Axmed Jookar)…………………………………….


