AKHRISO: Garyaqaanka guud Puntland oo war kasoo saaray Khilaafka Gaas iyo Camey

Maxamed Yuusuf Maxamuud  Garyaqaanka guud ee maamulka Puntland ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub.

War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.