Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga maamulka maaliyadda ayaa kulankoodii19-aad ee bishiiba mar la qabto ,kaga dooday warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Ereteria iyo Soomaaliya,taas oo lagu muujiyay walaaca laga qabo nidaamka maaraynta daqliga.
Guddigaasi oo kulankoodii ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa u kuurgala dib uga xaajoodka qandaraasyada dowladda iyo soo uruurinta dakhliga si loo hagaajiyo waxqabadka qandaraaska, korna loogu qaado qiimaha waxa lacagtu ay goyso marka ay dowladda wax iibsanayso si looga gun gaaro hagaajinta daahfurnaanta loo samaynayo canshuur bixiyeyaasha.
Guddiga maamulka maaliyadda waxa uu ka dooday howlaha bangiga ee muhiimka u ah daqli uruurinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, waxayna si wadajir ah u aas aasi doonaan isfaham ogolaanaya in dowladda iyo bangiyada ganacsiga laga sameeyo Akoonno daqli ururin,iyadoo isfahamka dib-u-eegista uu xilkeeda leeyahay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaana looga gol leeyahay in la hagaajiyo maaraynta lacagta gacanta lagu qabanayo, lana abuuro xaalado kor u qaadaya niyadda canshuur bixiyeyaasha iyo horumarinta hanaanka bangiyada.
Gudigu ayaa dib-u-eegis ku sameeyay heeshiiska nidaamka shidaalka iyo qaybsiga soo saarida gaaska kaas oo ay soo saartay Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta. Heshiiska ayaa sal u noqonaya nidaam wada shaqayn oo u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka. Guddigu wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa arrimaha lacagaha ee heshiiska isagoo ku talo bixiyay in shirkadaha shidaalka ay dhiibaan canshuurta shirkadaha oo laga bixinayo saamiga shirkadaha iyo macaashka gaaska la iibiyo. Guddigu ayaa ku taliyay wada xaajoodyada gaarka ah inay ku salaysnaadaan hanaanka wada qaybisiga (Production Sharing Agreement). Guddigu wuxuu sidoo kale ka dooday nidaamka ay dowladda Soomaaliya u wajahayso hanaanka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.
Guddigu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in saamiga daqliga khayraadka dabiiciga ah la qoondeeyo sanad walba si loogu isticmaalo kharashaadka dowladda iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha.Waxaa kale oo gudiga maamulka maaliyaddu uu isku raacay in la soo jeediyo qodobo lagu darayo sharciga maamulka maaliyadda dowladda kaas oo qeexidoona mabadii’da quseeysa maaraynta dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee ku saabsan siyaasadda lacagta, qaybsiga dakhliga, qulqulka lacagta, iyo maaraynta lacagaha.
Ugu dambayntii, Guddiga Maamulka Lacagta wuxuu isku raacay inuu diyaariyo warbixin maamulka maaliyadda si dib u eegis loogu sameeyo ilaa iyo 2014 islamarkaasina falaqayn lagu sameeyo caqabadaha taagan. Warbixinta ayaa diyaar noqon doonta horaanta sanadka 2017 waxayna dowladda cusub siin doontaa macluumaadka ku saabsan arrimaha maamulka maaliyadda.


