Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Goof-gaduud

Baay-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Degaanka Goof-gaduud Buurey oo 30-KM ujira Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab weerar ay ku soo qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Degaanka.

Dagaalkan ayaa socday xalay saqdii dhexe ilaa saakay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Yarow ayaa waxa uu sheegay in 10 ka tirsan Shabaab lagu dilay dagaalka ka dhacay Degaanka Goof-guduud Buurey, isagoo intaasi raaciyay in hadda ay xaaladdu tahay mid degan.

Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in dagaal ay kula wareegeen gacan ku haynta Degaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Degaanka Goof-gaduud Baarey ayaa Risaala u sheegay in Degaanka hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Dowladda Xoogga Soomaaliyeed.