Ilhan Omar: “Wade Taksi ayaa i Handaday”

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey Aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota, islamarkaasna noqotey haweeneydi ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqoto ayaa waxaa handadey Arbacadii shaley, wadihi tagsi ay ka raacdey magaaladan Washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Sida ay Ilhaan ku qortey boggeeda Facebook, waxaa ay sheegtey in ay la kulantey Islam naceyb uu ku sameeyey wadihi tagsi ay u isticmaaleysay in hotelka ay daganeyd ay ku tagto.

Ilhaan, ayaa Aqalka Cad kaga qeyb gashay kulan ku saabsanaa in ay wax ka barato sida ay gobollada u dhaqan galin karaan siyaasadaha qaar, oo ay sheegtay in ay xiiso gaar ah u qabtay.

Sida ay sheegteyna, waxaa uu ku sheegey in ay ka mid tahay ISIS, wuxuuna ku dhaartey in uu xijaabka ka qaadayo.

Ilhan Cumar ayaa Mareykanka ku tagtay 12 jir, waxaana ay sheegtey in ay dhacdadan wali ka naxsantahay.