Qandala-RisaalaFM- Xaalada Magaalada Qandala ayaa saakay degan, kadib markii Ciidanka Puntland ay shalay kala wareegeen koox ka tirsan Daacish oo mudo ka badan bil heystay Degmadaasi.
Kooxda Daacish ee ka baxday Qandala ayaa waxa ay u carareen buuraha duleedka ka ah Magaalada Qandala, sida ay sheegeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan.
Ciidanka Maamulka Puntland ayaa wada Howlgallo lagu xaqiijiyo amniga guud ee Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.
Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya Ciidamada Puntland oo ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.




