Maamulka Puntland ayaa amar kusoo rogay Hoteellada ku yaalla degaannada Maamulka Puntland.
Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan Hoteellada lagu amraayo in aan wax shirar ah oo la xiriira Siyaasadda aan lagu qaban karin.
laamaha amniga Puntland ayaa lagu amray in ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaayda Hoteellada Magaalooyinka Garoowe,Boosaaso,Gaalkacyo iyo Qardho .



