AKHRISO: 18 xubnood oo cusub oo lagu kordhiyay Aqalka Sare

MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta
1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi—————————-14 kursi
2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi—————————-14 kursi
3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi—————————-11 kursi
4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi—————————-11 kursi
5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi
6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi—————————–11 kursi

Wadart————–54——————–18————————————–72

4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawladaha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.