Hargeysa-RisaalaFM- Magaalada Hargeysa duhurnimadii maanta waxaa ku geeryoodey Abwaan Maxamed Jaamac (Keyd) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed.
Abwaanka ayaa la sheegay maalmihii u dambeeyay waxa uu ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa, waxaana uu ahaa Abwaan si weyn looga yaqiinay Soomaaliya.
Geerida Abwaan Maxamed Jaamac (Keyd) waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay mid ka mid ah Eheladiisa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida ku timid Abwaan Maxamed Jaamac (Keyd).


