K/Galbeed oo xaqiijisay in uu isku soo dhiibay Abuu Mansuur

Bakool-RisaalaFM- Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Muqtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur) ayaa isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu Risaala u xaqiijiyay Taliyha Ciidanka Booliska gaarka ah ee maamulkaas Shiine Macalin Nuurow.

Taliyaha ayaa Risaala u sheegay Abuu Mansuur keligiisa uu isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed, Maleeshiyaadkii uu watayna ay ku sugan yihiin duleedka Abal.

“Wuu isa soo dhiibay Roobow Xudur, ayaana hadda joognaa si nabad ah ayuuna ku joogaa wadaadka.” Ayuu yiri Shiine Macalin Nuurow Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin ayaa Risaala u sheegay qorshaha Koonfur Galbeed in uu yahay sidii si nabad gelyo ah loogu soo dhaweyn lahaa wadaadka.

“Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadihii dambe ku sugnaa degaanka Abal, ayaa saaka go’aansaday inuu saaka isku soo dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed ee garabka Militari ka helaayo ciidanka Dowladda, Abal ayuu iska soo dhiibay ciidanka dowladda ayuu hadda la socdaa.” Ayuu yiri Afhayeenka oo u waramay Idaacada Risaala.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa maanta in uu tago degmada Xudur ee gobolka Bakool, si uu ula kulmo Wadaadka.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa olole xoogan ugu jiray in ay gacanta ku soo dhigaan Abuu Mansuur oo mudo badan fariisin ku lahaa degaanka Abal, halkaasi oo marar badan labada dhinac ku dhexmaray Dagaal qaraar.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa xilal badan ka soo qabtay Al-shabaab, waxaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay Hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab iyo sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaan jiray dagaalyahanada ugu waa weyn Al-Shabaab, waxaana la sheegay in sanadkii 2013-dii uu ka baxay ka dib markii ay is khilaafeen.

Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.

Mareykanka ayaa dhawaan liiska waxa loogu yeero argagixisada wuxuu ka saaray Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hadda Sarkaal ka madax Banaan Ururka Al Shabaab.