Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inuu teleefoon kula hadlay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden.
Abiy Axmed ayaa tilmaamay , inay isku af garteen sare u qaadista iskaashiga labada dal.
Abiy Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yiri “ Waxaan kawada hadalnay Biden arrimaha hadda ka taagan Itoobiya, xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka,”
Abiy ayaa intaas ku daray, inay isla garteeen in hormarka iskaashiga iyo wada shaqeyntuba muhiim u yihiin labada dal .



