Abaaro daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool Bacadweyn

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Bacadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan abaaro daran oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Maamulka, waxgaradka, culuma’udiinka iyo ganacsatada degmada Bacaadweyne ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameeynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka iyo duunyada, halkaasi ku nool, iyagoo dhanka kalena uga mahadceliyay gurmad isugu jira biya dhaamin iyo raashin qeybin uu dadka ay abaaruhu saameeyeen u sameeyay ganacsade Soomaaliyeed.

Maamulka Deegaanka Bacadweyn ayaa waxa ay sheegeen in abaar daran ay deegaanka ka jirto, iyadoo aysan jirin wax ceel ah, waxaana ay dadka la ildaran yihiin biyo la’aan iyo raashiin la;aan.

Waxaana maamulka Bacadweyn ay baaq udireen maamulka Galmudug iyo hay addaha gobalka mudug ka shaqeeya si ay wax uga qabtaan abaarta daran ee ka jirta deegaanka Bacadweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Degmada Bacadweyn waxaa hoostaga 17 tuulo oo aan laheyn wax ceel ah, iyadoo bacadweyn iyo deeganada hoostaga wali aysan ka da’in roobabka Gu’ga kuwaasi oo haatan ka da’ay deegaano fara badan oo ka tirsan gobolda dalka.