Aaron Wan-Bissaka oo Dib Ugu Soo Laabtay Man Utd

Daafaca midig ee Manchester United Aaron Wan-Bissaka ayaa lagu qasbay inuu ka baxo waajibaadka caalamiga ah ee xulka England ka dib dhaawac dhabarka ah.

21 jirkan ayaa la filayay in uu safto kulankiisii ugu horreeyay ee seddexda libaax isreebreebka Euro 2020 ay la ciyaarayaan Bulgaria iyo Kosovo, ka dib go’aankii uu ugu yeeray tababare Gareth Southgate oo kasoo tagay Kyle Walker.

Laakiin waxaa haaatan la xaqiijiyay in Wan-Bissaka laga saaray xulka England sabab la xiriirta dhaawac dhabarka ah, isagoo dib ugu laaabtay Man United si uu isugu diyaarinayo tababarka Carrington.

Wan-Bissaka wuxuu ka mid ahaa dhowr ciyaartoy oo la rajeynayey in la siiyo kulamadoodii ugu horeeyay ee caalami ah labada isbuuc ee soo socda, waxaana ku wehlinayay xiddiga Leicester James Maddison iyo kan Chelsea Mason Mount.

Lama oga marxaladaan haddii England ay u yeeri doonto ciyaaryahan kale oo booska Wan-Bissaka buuxiya, laakiin Manchester City difaceeda Walker ayaa loo arkaa bedelka ugu macquulsan.

Tan iyo markii uu £ 49.5m uga soo dhaqaaqay kooxda Crystal Palace intii lagu jiray suuqii xagaaga, Wan-Bissaka wuxuu qaab ciyaareed sarre ka muujiyay Man Utd.

Waxa uu sii waday inuu soo jiito taaageerayaasha ka dib xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee uu ku qaatay koonfurta London, isagoo ka caawiyay inay horumar sameeyaan daafaca oo uu kula midoobay Harry Maguire.

Taageerayaasha ayaa hadda rajeynaya in Wan-Bissaka uu ku soo laaban doono taam ahaansho ka hor kulanka Manchester United ay la ciyaareyso Leicester City 14ka Sebtember.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaan wax guul ah gaarin tan iyo maalintii furitaanka horyaalka, waxayna kujiraaan bilowgoodii ugu xumaa xilli ciyaareed cusub tan iyo markii la bilaabaay Premier League sannadkii 1992.