Aadan Barre Ducaale ayaa maanta laga qaaday xilkii guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ee uu hayay toddobadii sano ee la soo dhaafay. Waxaa rrintan la shaaciyay ka dib kulan ay yeesheen hogaanka xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee.
Ducaale ayaa BBC-da uga warramaya sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaa uu sheegay in culeys weyn uu hataan ka dhacay isla markaana uu diiradda saarayo ka shaqeynta danaha shacabka soo doortay.
“Wallaahi, waxaan eersaday ma garanayi, ..madaxweynaha waa uu i amaanay, in aan shaqadeyda kasoo baxay waa uu sheegay, koley waa la ogaan doonaa laakin hadda waxaan ahay nin shaqadii loo dhiibay kasoo baxay”
“Waxaa weeye qaddar Ilaahey, culeys weyn ayaa iga dhacay maanta,..weli waxaan ahay xildhibaankii dadkii sharafta badnaa ee Gaarisa Township, marka hadda waxaan u shaqeynayaa shacabkeygii oo aan xoogeygii iyo waqtigeyga ayaan siin rabaa”
Xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa u muuqaday mid si weyn u kala qeybsamay bilihii la so dhaafay iyagoo u kala go’ay laba garab oo kala taageersan madaxweyne Kenyatta iyo garab kale oo teegeersan ku xigeenkiisa Wiliam Ruto. Waxay ka dambeysay markii Kenyatta uu heshiis uusan qeyb ka ahayn Ruto la galay hoggaamiyaha Mucaaradka Raila odinga.


