Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa kormeer ku tagay xarunta Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad ee degaanka Baacadweyn ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo uu wehliyey wasiirka Amniga Gudaha DGGM, ayaa ugu horeyn wuxuu salaan ka qaatay ciidamada.
Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad Janaraal Cabdicasiis Qooje ayaa madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda ciidanka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa qorsheynaayo in ay Al-Shabaab ka saaraan degaanada ay kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Galmudug aysan u dulqaadan doonin Weerarada Ururka Al-Shabaab.



