Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Garasbaalay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula beegsaday Sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Labo Afle uu ka badbaaday Qaraxa,laakiin ay waxyeelo soo gaartay Askartii la socotay.

Mas’uuliyiinta degaankaasi ayaa Risaala u sheegay in ciidamada la qarxiyay ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.