Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Dabley hubaysan oo wadatay gaari yar ay ku rasaaseeyeen gaari kale oo marayay Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah.
Gaariga la rasaaseeyay oo nuuciisa uu ahaa SURF ayaa waxaa saarnaa laba ruux, wuxuuna weerarkan si gaar ah uga dhacay agagaarka Via Roma ee Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.
Gaariga la rasaaseeyay, ayaa waxaa saarnaa wadihii gaariga iyo qof Dumar ah, waxaana halkaasi ku dhintay ruuxii waday gaariga, halka Gabadhii la socotay oo xaaladeeda ay liidato laga qaaday goobtaasi, kadib markii dhawr xabadood ay ku dhaceen.
Gaarigii ay wateen dableyda hubaysan oo noociisa lagu sheegay Spacio ayaa ka baxsaday goobtaasi, waxaana meesha soo gaaray ciidamo hubeysan oo Boolis ah.
Illaa hadda lama garanaayo dadka la beegsaday waxa ay yihiin iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa beegsigooda, inkastoo dadka gaadiidka wax ku rasaaseeya badanaa ay yihiin xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Dowladda ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan falka dhacay iyo sidii loo soo qaban lahaa gaariga dableyda hubaysan ay wateen ee dadka ku rasaaseeyay Degmada Xamar weyne.



