Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo si weyn looga yaqaano gobolka Gedo.
Degaanka weerarka uu ka dhacay, ayaa lagu magacaabaa quraan googoo, wuxuuna ku dhaw yahay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor), ayaa lagu magacaabi jiray ninka ay dileen Al-Shabaab.
Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.


