5 Carruur oo Walaalo ah oo Dab ku Dhintay

Dab maanta ka kacay guri dad danyar ah oo barakacayaal ahi ay dagan yihiin oo ku yaalla xaafadda Farjanno gaar ahaan aagga dalxiiska ee magaalada Kismaayo ayaa keenay dhimashada 5 carruur ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.

Carruurtan oo kan ugu weyni uu 6 sano jir ahaa midka ugu yarna uu naaska nuugayay ayey hooyadood oo u shaqo tagtay waxa ay dusha kaga xirtay guriga, si ay u nabad-galaan.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka kakacay maanso ka dhalatay koronto.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa booqday goobtii ay ka dhacday dhadadaasi xanuunka badan.