DHAGEYSO: Wafdi ka socda DF iyo Beesha Caalamka oo gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa waxa ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, oo maalinta berri ah lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wafdiga Dowladda Federaalka ka socday waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana la socday Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xubno kale.

Sidoo kale magaalada Jowhar waxaa gaaray xubno ka socday Beesha Caalamka, urur goboleedka IGAD iyo xubno ka socday African Union.

Agaasimaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed Xasan (Azhari) ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay taageeri doonto Madaxweynaha ay doortaan xildhibaanada Hirshabeelle.

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federalka in ay dhexdhexaad ka tahay Doorashada, islamarkaana aysan jirin Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay.

Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horey Dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

C/raxiin Xuseen (Caylaawe), Radio Risaala, Magaalada Jowhar.