Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay ka bilaabato doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Amniga Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan xubno ka socda dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa maanta dooranaya Madaxweynihii Labaad ee soo mara Hirshabeelle ka dib markii ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.
Musharaxiin Badan ayaa ku tartamaya kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle.


