Maraykanka oo damacsan in la xanibo hantida Kim Jong-un

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay waddo qorshe lagu xanibaayo Hantidda uu leeyahay Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un.

Qorshahaan ayaa ah Mid Cadaadiska lagu haayo Kuuriyadda Waqooyi sii xoojinaya sida ay sheegeen Khuburo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Hindisahan Maraykanka ayaa qoraal ahaan loogu qaybiyey xubnaha Golaha Ammaanka waxaanay arintaasi daba socotaa tijaabadii lixaad ee nukliyeerka ah ee Kuuriyada Woqooyi iyo tijaabooyinkeeda is daba joogga ah ee gantaalaha.

Kuuriyadda Waqooyi waxay sidoo kale sheegatay in ay samaysay qumbulad Haydarojiin ah waxaana sidoo kale sii kordhaysa khatarta ah in ay gantaalo ku weerari karto Maraykanka.