Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay si weyn uga qeyb qaadanayaan sidii loo sii deyn lahaa Wariye Rooble Maxamed Dirir oo ku xiran dalka Jabuuti.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Jaamac Afrax oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka xun tahay in muddo ka badan 2 sano uu dalka Jabuuti ku xiran yahay Wariye Rooble.
Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug dowladda Jabuuti ay kala hadli doonto sidii loo soo deyn lahaa Wariyaha,islamarkaana ay la kaashan doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Wariye Rooble Maxamed Dirir ayaa muddo ku dhow labo sano iyo Bar waxaa uu ku xiran yahay Dalka Jabuuti, wariyaha ayaa xilliga la qabanaayay u socday dalka Ruushka halkaasi oo uu ka helay deeq waxbasharo.
Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaana markii ugu horeysay ka hadashay Xariga Wariyahaasi.
Rooble Maxamed Dirir ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgali jiray Magaalada Gaalkacyo.


