Waxaa lagu qabtay Magaalada Cadaado kulan looga hadlaayay sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka degaanada maamulka Galmudug.
Kulankaan ayaa dhexmaray Saraakiisha Ciidamada dowladda ee qeybta 21-aad iyo sidoo kale xubno ka tirsan laamaha Amniga Galmudug.
Waxaa sidoo kale kulankaasi ka qeyb galay xubno ka socday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay in sare loo qaado Ammaanka degaanada maamulka Galmudug,islamarkaana Al-Shabaab laga saaro meelaha ay gacanta ku hayaan.
Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u faah fahiyay ujeedka kulankaasi.
“Kulanka maanta wuxuu ku saabsanaa in amniga Galmudug iyo ciidamada jooga deegaanada Galmudug,ha ahadeen,Amisom,Nisa,Darwiishta Booliska Galmudug iyo qeybta 21aad oo Aageedu ballaaran yahay in aagagga kale ay joogto sida Hiiraan la isweydaasrsado xogaha ku saabsan xaaladda amniga degaanadaasi 21aaad gaar ahaan galmudug,si cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab looga saaro deegaanadaasi”,Ayuu yiri Taliye Cirro.



