Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa u hanjabay dad la sheegay in ay taageereen Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo hadda ku sugan Baledweyne.
Gudoomiye Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doonto cidii ,iyadoo xil heysa taageero u muujisa maamulka uu ku dhawaaqay Cali Cabdullaahi Cosoble.
Waxaa uu sheegay in ay xilka ka qaadi doonaan cidii taageerta Cosoble, maadaama ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle Madaxweyne Cosoble.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa taageero weyn u muujiyay Cali Cabdullaahi Cosoble.
Waxaa uu xusay Gudoomiye Cusmaan in Hirshabeelle aysan la heyn Madaxweyne , Laakiin ay leedahay ku sime oo kaliya.



