Madaxa warfaafinta maamulka Ahlu sunah Muxudiin Cali Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo u baahan in laga caawiyo la dagaalanka Al-shabaab.
Muxudiin Cali oo hadlkiisa sii ayaa sheegay in dhan walbo ay ka taageeri doonaan cidii shabaab la dagaalameysa kana taageeri doonaan hadii ay ubaahdaan xoog ciidan iyo waxyaabo kale.
Waxaana uu tilmaamay in maamulka Ahlu sunah in udirayaan khubaro aqoon durugsan u leh la dagaalanka.
Hadalka Madaxa warfaafinta Ahlu Sunah ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Al-shabaab iyo maamulka Puntland uu dagaal ku dhexmaray.


