Koobka ICC oo ah koob ay maalgaliyaan maal qabeeno kasoo jeeda Mareykanka ayaa waxaa sanadkan isku arki doona qaar kamid ah kooxaha ugu awooda badan tartamada Yurub.
Horyaalka Ingiriiska ayaa sanadkan waxaa tartanka uga qeyb gali doona kooxda hogaanka heysa ee Leicester City iyo kooxaha kale ee Chelsea iyo Liverpool.
Dhanka horyaalka Spain ayaa waxaa tartankan ka muuqda labada koox ee Real Madrid iyo Barcelona oo kulamo adag laga filayo kooxaha ay wajihi doonaan.
Italy ayaa waxaa uga jira labada koox ee Inter iyo AC Milan, halka PSG, Celtic, iyo Bayern Munich ay tartankan qeyb ka yihiin.
Kulamada ugu xiisaha badan tartankan ayaa waxaa kamid ah Chelsea oo ka hortagi doonta Liverpool, labada koox oo England ku xifaaltama ayaa is arki doona 27-ka July.
Sidoo kale Kooxaha PSG iyo Real Madrid ayaa balansan halka wiilasha Zidane ay sidoo kale ku dhici doonaan Chelsea.
Kulamada kale waxaa kamid ah Barcelona oo ka hortagi doonta Liverpool iyadoo L.Suarez uu cadow ku noqon doono kooxdiisii hore.
Bayern Munich ayaa Real la ciyaari donta halka Barcelona iyo Leicester CIty ay isku aadan yihiin.
Hoos ka Akhri Isku Aadka ICC iyo Taariikhda la ciyaari doono
https://twitter.com/IntChampionsCup/status/712282963812208641/photo/1?ref_src=twsrc%5Etfw
July 17: Celtic vs Leicester (Celtic Park, Glasgow)
July 24: PSG vs Inter Milan (Eugene, Oregon)
July 27: Real Madrid vs PSG (Columbus, Ohio)
July 27: Bayern Munich vs AC Milan (Chicago, Illinois)
July 27: Liverpool vs Chelsea (Pasadena, California)
July 30: Barcelona vs Celtic (Aviva Stadium, Dublin)
July 30: Chelsea vs Real Madrid (garoonka waala shaacin doonaa – USA)
July 30: Bayern Munich vs Inter Milan (Charlotte, North Carolina)
July 30: PSG vs Leicester (Carson, California)
July 30: Liverpool vs Milan (Santa Clara, California)
July 3: Barcelona vs Leicester (Friends Arena, Stockholm)
July 3: Real Madrid vs Bayern Munich (East Rutherford, New Jersey)
July 3: Chelsea vs AC Milan (Minneapolis, Minnesota)
July 6: Liverpool vs Barcelona (garoonka lama shaacin – Europe)
July 13: Celtic vs Inter Milan (garoonka lama shaacin – Europe)


