Shaqaalaha safaarada ay Israa’iil ku lahayd dalka Urdun ayaa dib ugu laabtay Israa’il ka dib weerar ka dhacay dhismaha safaardda.
Bayaan ay soo saartay dowladda Israa’il ayaa lagu sheegay in dadka dib ugu laabtay uu ka mid ahaa askari toogtay isaga oo is difaacaya laba qof oo u dhalatay Urdun.
Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay in dhammaan dublamaasiyiinteeda ay bad qabaan.
Raisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay safiirka iyo askariga ilaalada ka ahaa safaarada,waxa uuna ugu hanbalyeeyay qaabkii ay xaaladda ula tacaaleen.
Nin u dhashay dalka Urdun ayaa isku dayay in askariga uu weeraro qaybta degaanka ee safaarada Israa’il ee camman ,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha dibadda Israa’iil.
Israa’iil ayaa uga mahad celisay xukuumada Urun wadashaqayntii ay u muujisay 24 saac ee ugu danbeeyay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa mar sii horaysay ku warantay xiisad u dhaxeeysa labada waddan.



