Xildhibaan Dhaliilay Go’aankii Hay’addaha Amniga

Xildhibaan Mahad Salad, ayaa si kulul u weeraray hadalkii xalay sida wadajirka ah uga soo yeeray Taliyaha Nabad Suggida C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Wasiirka amniga iyo sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska.

 Qoraal uu soo dhigay Bantiisa Facebooka ayuu ku sheegay in hadalkii Hay’addaha Amniga uu ahaa hanjabaad.

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salad ayaa u qornaa sidan.

“Wasiirka Amniga, Taliyaha Hay’ada NISA iyo Taliyaha Booliska waxa ay sheegeen inay ogyihiin Ganacsatada lacagta siisa Alshabaab. Ayna tilaabo sharci ah ka qaadayaan. Mid midna loogu yeeri doono ganacsatadaas!

Hadaba waxaa iga su’aal ah: lacagta la siiyay Al-Shabaab hadii Xukuumadda iyo laamaha amniga ogaadeen, maxay u ogaan waayeen kuwa Shabaabka ah ee canshuurtaas baadda ah ka qaadaya ganacsatada iyo kuwa isku qarxinaya Shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan?!

Amniga inla sugo Al-Shabaabna xididada loo siibo waan soo dhaweynaynaa, waanan kala shaqeynaynaa Xukuumadda iyo Hay’adaha Amniga laakiin marnaba sax ilama ahan in ganacsatada reer Mogadisho ee canshuurtoodu Dowlada Federaalka ah ku nooshahay in loogu abaal gudo handadaad, been iyo Propaganda hantidooda iyo sumcadooda lagu burburinayo.

Sidoo kale haddii ay soo baxaan arimo sidaan oo kale ah si Hay’adaha Dowlada iskaga kaashaadan loona helo sharciyad cadowgana lagula dagaalamo Dadka Shacabka ahna aan xuquuqdooda loogu xadgudbin waa in Xukuumadu soo sameysaa Hindise Sharciyeed kadibna laga ansixiyaa Goleyaasha Barlamaanka.

DALKAANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED EE WAA IN XUKUUMADU LA TIMAADAA QORSHE DHAMAYSTIRAN OO AMNIGA WAX LOOGA QABANAYO!”

ma aha markii ugu horaysay ee Xildhibaan Mahad salaad uu dhaliilo go’aannada xukuumadda iyo taliyaasha lkn marar badan ayuu soo jeediyey dhaliilo nuucaan ah , waxana lagu xasuustaa su’aalo badan oo uu waydiiyey wasiirka Maaliyadda xilligii uu Barlamaanka u soo bandhigayey miisaaniyadda cusub ee 2017.

xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka mid ah xubnihii ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud ahaana wasiirkii madaxtooyada ee xukuumaddaas.