Ciyaaryahanka Nemanja Matic ayaa tijaabada caafimaadka umaraya kooxda Manchester United 48 saac gudahood sidaas waxaa sheegeysa saxaafada Ingiriiska.
Qadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa dib ula midoobi doona tababadihiisii hore Mourinho kadib marka uu £40million ugu biro saacadaha soo socda.
Matic ayaa rajeynaya inuu mushaar dhan £155,000 todobaadkii ka qaato kooxda ka dhisan Old Trafford halka Chelsea ay ku dhowdahay badalkiisa oo ah qadka dhexe ee Monaco Tiemoue Bakayoko.
28-jirkaan ayaa tababaraha reer Portugal uu kala soo wareegay kooxda Benfica lacag dhan £21m bishii January 2014 markaas oo uu ka caawiyay Chelsea horyaalka Ingiriiska
Xidigan qaranka Serbia ayaa la filayaa inuu badal unoqdo waayeelka mudada dheer ee United Michael Carrick, kaas oo bisha danbe noqon doona 36 sano jir.
Hehsiiskan ayaa la rajeynayay inuu dib udhici doono maadaama tababare Mourinho uu ku maqan yahay Portugal halkaas oo uu uga qeyb galaya aaska Aabihiis oo geeriyooday.



