Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Saif al-Islam Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Koonfurta Liibiya Sida ay shaacisay koox ka mid ah kuwa ka dagaalama dalka Liibiya.
Zintan Saif al-Islam Qadaafi ayaa la xiray Sanadkii 2011-kii, Waxaana uu u xirnaa Koox ka mid ah dagaalyahanada dalka Liibiya.
Ciidamada Abu Bakr al-Siddiq oo ah maleeshiyaad maamula Koofurta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in ay siidaayeen Zintan Saif al-Islam.
Muddo ku dhow 7 Sano ayuu ku jiray gacanta Kooxdaasi Saif oo ah 44 sano jir ahaana Carruurta uu dhalay Qaddaafi kan ugu saameynta badan.