Kenya oo soo Afjaraysa Weerarada ay geystaan Al-Shabaab

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa ku hanjabay in ay soo Afjari doonaan Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Mandera Cali Rooba oo la hadlaayay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay bilowday howlgal xooggan oo loogu tala galay in lagu soo Afjaro Weerarada tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Mandera ay ku qaadaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada dalka Kenya , isagoona sheegay in ay kordheen khasaaraha ka dhalanaya Weerarada ka dhacaya gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxaa uu xusay in si weyn loo tayeyn doono Ciidamada Booliska ee ku sugan tuulooyinka ay ka dhacaan Weerarada.

Waxaa uu Shacabka kunool tuulooyinkaasi ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka , maadaama ay bilaabanayaan howlgallo cusub.

Weerarada tooska ah iyo Qaraxyadda miinooyinka ah ee dhulka lagu Aaso ee Al-Shabaab ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa kordhay bilihii lasoo dhaafay.