Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada soo noq noqda ee mudooyinkii dambe ka dhacaayay degaano ka tirsan Gobolada Dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa colaada u dhaxeysa beelaha qaar.
Waxa uu ugu baaqay beelaha colaada u dhaxeyso in ay dagaalka joojiyaan isla markaana ka shaqeeyaan nabada iyo Xasiloonida degaanada ay ku nool yihiin.
Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadeynta degaanada gobolada Dalka.
Degmooyin iyo Tuulooyin ka tirsan gobolada Dalka Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe ka dhacaayay dagaal beeleedyo u dhaxeeyo beelo walaalo ah, waxaana dagaal beeleedyadaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.


