Ciidan la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya

Ciidamo la sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan ayaa la wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku taallo Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidankaan oo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay inaysan qaadan wax mushaar ah, xilli hadda uu socdo bixinta Mushaaraadka ciidanka Xoogga dalka guutooyinkooda kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay in Ciidankan oo fara badan ay la wareegeen dhismaha xarunta Wasaaradda, sidoo kalena ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala.

Waxaa la sheegay Saraakiisha Millitariga inay isku dayayaan xalinta ciidankaan mushaarka ka cabanaya.

Ciidamada ayaa ku doodaya in mushaarka la siiyay kaliya Saraakiisha, balse Mushaarka ciidanka Xoogga dalka oo socdo bixintiisa, ayaa loo qaybiyay guutada koowaad, halka maanta iyo Sabtida qorshaha uu yahay in la siiyo guutada labaad.

Ciidamada Millitariga Soomaaliya oo ah awooda ciidan ee dalka uu tashto ayaanan haysan daryeel wanaagsan oo ay ka helaan Dowladda, waxayna si dirqi ah ku helaan lacag aanan badneyn oo mushaarkooda ah iyo guno yar.