Ciidamada dowladda oo howlgal kusoo qabtay 8 ruux

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgallo waxa ay bilaabeen degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgallada xoogooda ayaa laga sameeyay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Buula Burde iyo  jalalaqsi  ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in soo gaareen degaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jalalaqsi iyo sidoo kale Buulaburde oo aysan horay u joogin.

Howlgallada ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo in ay xiriir lala leeyihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaasi oo tiradooda dhan tahay 8 ruux baaritaan lagu waddo.