DAAWO SAWIRRADA: 3 jir Abaartu ay saameysay oo xaalad adag ay soo wajahday

Muqdisho-RisaalaFM- Waa 3-sano jir, Hooyadiis isaga iyo Laba caruur ah oo kale ay kala soo Barakacday Abaarta ka jirta Degmada Jilib halkaasi oo xoolo wixii ay heysteen Qoyskooda ay kaga dhamadeen Abaarta darteed.

Shalay ayaa soo gaareen degmada kaxda ee Gobalka Banaadir, Saddex sano irkaan ayaa ka xanuunsanaya Feeraha iyo qaarka hoose ee jirkiisa.

Hooyada dhashay oo la hadashay Idaacadda Risaala waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in gar gaar caafimaad ay ugu raadiyaan wiilkeeda oo mudo ka xanuunsanaya.

Hooyada dhashay wiilkaan xanuunsanaya ayaanan laheyn wax taleefoon ah, fadlan cidii caawineysa hala soo xariirto Idaacadda Risaala 0615550138.

 

WIIL 1 WIIL 2